Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

 

 

 

 

TUSMADA

 

Warsidaha puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 2

 

Gobolada Bay iyo Bakool ee uu ka taliyo ururka RRA ayaa hada waxay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii faraha badnaa ee ay u geysteen ciidamadii sal balaar xoolaleydii , beera leydii, ganacsatadii iyo shacabka guud ahaanba.

Warsidaha puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 3

 

 

 

 

 

 

 

 

Warsidaha puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 12

Madaxweyaha Puntland oo soo saaray Amar ku saabsan danta Guud iyo xoojinta xiriirka iskaashiga Puntland iyo Mushtamaca caalamiga ah

Amar uu soo saaray Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed 31/05/2000 oo ku saabsan xoojinta xiriirka Puntland iyo Mushtamaca caalamiga ah, wuxuu leeyahay amarkaas.

  1. Waxaa la joojiyey 100 US$ 00 laga qaadijirey gegada duyuuradaha qof kasta oo ka soo dega, kana mid ah hawl wadeenka Maamulka iyo shaqaalaha ururka ummadaha midoobay. Haatan kadib ma dhacayso in 100 USD laga qaado urarada UN, EU, Jaamacada Arabta, Ururka midowga Africa, Egad iyo Ururka Islaamka ama urur hoosaadkasta oo mushtamaca caalamiga ah.
  2. Iyo canshuur dakhli oo shaqaalaha Soomaalida ah ee gudaha dawlad goboleedka ka shaqeeya, ilaa arintaasi si buuxda looga baaraandago, ayna dhamaan dhinacyada ay qusaysaa xalwada raaligeliya ka helaan.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AMAR KU BIXIYEY IN KALUUMAYSATADA PAKISTAAN DALKOODII LOO DHOOFSHO

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 31/05/2000 soo saaray qoraal ku socday Wasiirka kaluumaysiga, dekadaha iyo Gaadiidka bada, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidanka Bada.

Qoraalka wuxuu madaxdaas kor ku xusan faray inay u hawl galaan sidii dalka looga saari lahaa kaluumaysatada Pakistaaniga ah oo dhawaan ciidamada bada ku soo qabteen sadex oo sharcidaro ku kaluumaysanayey.

Musuuliyiintaan wuxuu ku amray Madaxweynuhu inay marka hore Bosaaso isugu keenaan kaluumaysatada iyo in dhammaan kalluumaysatada sadexda doonyood lagu dhoofiyo Doonta Al-Qayanat ka dib marka lala wareego qayraadka bada Puntland ee ay siday iyo qalabka kalluumaysiga ee ay Doontu ku adeeganaysay.

XAFLAD AY BISHA CAS SOO BANDHIGTAY.

Habeenimadii jimcaha ay ku beegneyd 25/05/2000 waxaa magaalada Gaalkacayo ka dhacday Xaflad ay soo qabanqaabisay Bisha Cash ee Soomaaliyeed, taasoo looga hadlaayey mabaadida asaasiga u ah Bisha Cash iyo Laanqayrta Cas , waxaana Xafladaas ka hadlay C/qaadir Yuusuf Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Bisha Cas ee Soomaaliyeed wuxuuna si qoto dheer uga hadlay mabaadida asaasiga ah ee bilaha iyo laanqayraha Cas ku waasoo ay ugu waaweeyn yihiin todobo qodob oo kala ah aadanimo, Eexasho la'aan, dhex dhaxaad nimo, madaxbananaan, naftiis hurinimo, midnimo iyo caaliminimo.

Wuxuu cadeeyey in qodobadaas qaar ka mid ah dagaalada sokeeye dhibaato u gaysteen ayna ku ogaadeen daraasad ay sameeyeen Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Laanqayrta Cas ee Soomaaliyeed, Xafladaas oo lagu dhigay Riwaayad ka turjumaysay dhibaatadaas waxaa ka qaybgalay in ka badan 100 qof.

OGAYSIIS OGEYSIIS

MA OGTAHAY AKHRISTOW IN

DHOWAAN GAROOWE LAGA FURAY HOTEL CAALAMI AH, OO LA MAGAC BAXAY NATIONAL HOTEL OO AH MID CASRI AH, NOOCIISANA AAN GAROOWE HOREY LOOGU ARAG, WAXAA KALA KULMI DOONTAA ADEEG KU RAALI GALIYA IYO SHAQAALE LOO CARBIYEY HOWLAHA HOTEELADA CAALAMIGA AH WAXAADNA KA HELI DOONTAA JIIF RAAXO LEH IYO QIIMO KU RAALI GALIYA.

NATIONAL HOTEL WUXUU KU YAALAA DHANKA EE WADADA HOTEL GUUREEYE