![]()
T U S M A D A W A R G E Y S K A
Cadadkii 39aad
MADAXTOOYADA PUNTLAND OO SHEEGTAY IN AAN LOO DULQAADANAYN MADAXDA DALKA KA MAQAN FASAX LA'AAN.
War ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa walaac ka muujiyey madax sar-sare oo muddo dalka ka maqnaa iyagoo aan fasax haysan.
Waxaana ka mid ah musuuliyiintaas Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Isgaarsiinta, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah, Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Maamulaha Hay'adda Biyaha Tamarta iyo Macdanta Puntland.
Warkaan wuxuu intaas ku darayaa inaan dibdambe loogu dulqaadan doonin madaxdaas oo ku xadgudubtay fasaxyar oo la siiyey, waxaa kaloo warka Madaxtooyadu intaa raacshay in arintaan laga soo saari doono sharci sidaasna aan loogu dulqaadan doonin.
GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND OO U KUUR GALAYA XAALADAHA UGU DAMBEEYA EE SHIRKA JABUUTI.
Maalmahaan waxaa fadhiyo yeelanayey golaha Wasiirada Puntland kuwaas oo u kuurgalayey xaaladaha ugu dambeeyey ee Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Dalka Jabuuit.
Madaxtooyada Puntland-na waxay xiriir joogto ah laleedahay hogaamiye dhaqameedyada Puntland ee ku sugan Jabuuti iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi.
Waxaana dhaqso loo filayaa wafdiga Puntland ee Jabuuit ku sugan inay dalka ku soo laabtaan si ay wada tashi u layeeshaan dawlada.
MASHAARIIC SANADKAAN LAGA HIRGELINAYO PUNTLAND
Waxaa sanadkaan laga hirgelinayaa Puntland Mashaariic kala duwan kuwaas oo ay maalgelintooda ka qaybgelayaan Dawlada Puntland, Hay'adaha Qaramada midoobay sida UNDP, Midowga Reer Yurub iyo USIAD-ka. Mashaariicdaas horumarineed waxaa lagu hagaajinayaa kaabayaasha dhaqaalaha sida dikidda Bosaaso, Gegooyinka Duyaaradaha, Wadoo-yinka dalka, adeegyada Bulshada iwm.
Mashaariicdaas waxaa badankooda hirgelinaysa sanadkaan hay'adda UNDP oo ay kala qayb qaadanayaan hay'adaha aan dawliga ahayn (International NGOs).
Waxaa kaloo Puntland laga bilaabayaa mashaariic ku saabsan dib-u-dhiska oo ku wajahan Booliiska iyo Garsoorka waxaana gacan ka gaysanaya mashaariicdaas dawlado ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Sweden.
WAFDI U SOCDA MIINASAARKA IYO DHAQAN CELINTA OO IMAANAYA PUNTLAND.
Waxaa imaandoona 6/6/2000 Magaalada Garoowe Wafdi Hay'ado kala duwan isugu jira oo Dawlada Puntland wada xaajood kala yeelan doona Mashaariic larabo in dalka laga hirgeliyo ayna ka midka yihiin Miino Saarka iyo Dhaqan Celinta.
Wafdigaan waxaa ka mid ah khubuuro meela kamid ah Soomaaliya horay miino uga saaray.
MIISAANIYADII HAY'ADII BIYAHA, TAMARTA IYO MACDANTA OO DIB LOO DHIGAY.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxa uu sheegayaa in dib loo dhigay miisaaniyadii Hay'adda biyaha, Tamarta iyo Macdanta, kadib markuu shir looga hadlaayey hay'adaas ka soo qayb geliwaayey, Maamulaha Hay'adaas Injineer Abshir Muuse Siciid oo in mudo ahba ku maqnaa dalka debadiisa
BAAFIN
Waxaa lo baafinayaa Buug ay ku qornaayeen Hay'adaha Care International iyo KAALO NGOs Garoowe oo dhawr bari ka hor ku lumay agagaarka Bakhaarka Qalabka Dhismaha ee C/wali Calim C/qaadir, ee Al-Baraka cidii hesha waxaa laga codsanayaa in ay ku soo hagaajiyaan C/wali Xirsi Nuur ama Maxamuud Shiikh Xaamid ama Xafiiska KAALO ee Garoowe.
WAR GELIN
Akhristayaasha kala duwan ee warsidaha Puntland gudaha iyo debadaba waxaa lala socodsiinayaa inay u soo gudbin karaan Warsidaha, Macluumaadka ku saabsan arrimaha bulshada, aragtidooda kala duwan iyo waliba talooyinkooda, waxaana Warsiduhu balan qaadayaa inuu tixgelin doono aragtiyada kala duwan ee caafimaadka qabo ee ka turjumaya danaha caamka ah iyo xaqiiqada jirta.
DR. BASHIIR CALI BIIXI OO LAGA WARAYSTAY CUDURO GOBOLKA KU HAYA FARAKULUL IYO TEGIDII MSF.
Waxaa u suurta gashay todobaadkii hore wariye ka tirsan wargeyska inuu magaalada gaalkacayo ku wareystay Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo Dr Bashiir Cali Biixi, su'aashii ugu horeysay ee wariyuhu weydiiyey waxay ahayd bal inuu ka warbixiyo cudurada ugu badan ee xiligaan ka jira gobolka Mudug wuxuuna ku jawaabay.
Xiligii roobabku bilowdeen iyo kadib waxaa kacay xanuunada shubanka iyo kaneecada, in kastoo aanan hayn tirakoob sugan hadana hada qeybta bukaan eegtada waxaa ku jira 51 qof , laga soo bilaabo shaley tirada intaas ka badan waxaa lagu arkey qeybta gargaarka degdega ah oo daawo inta lagu siiyey rooonaadey kadibna guryahodii dib ugu laabtay, dadka bukaanka markay soo bateena waxaan u baneynay laba qol oo gaar ah.
Xanuunkaa shubanka ah ma rabno in lagu khaldo xanuunka daacuunka, ma dooneyno mar hadii aynu ka hadleyno shuban in loo qaato daacuun, ee shubanku waa xanuun sanad kasta xiligaan yimaada ilaa hadana xanuunka shubanka waxaa u dhintey hal gabar oo laga keenay baladweyne, sidoo kale xanuunka kaneecada maalinba maalinta ka danbeysa kor ayuu u socdaa, labadaa cudur ka sakow waxaa jira cuduro ay nafaqo daradu keentay.
Dr. bashiir oo ka jawaabaya su'aal ahayd xagee daawo uga
heshaan Isbitaalka? Wuxuu yiri ilaa hada cidna kama aanaan dalban gargaar khaas ah, maadaama aysan jijrin khatar weyn, isku darka xalka aan haysanana marka la isku daro labada hay'adood ee isbitaalka gacanta siiya MSF iyo ICRC waxaan is leenahay xal fiican baad haysataan wax qeylo dhaan ah oo weyna ma jiraan. Marka daawooyina aan isticmaaleyno Isbitaalka guud ahaanba iyo gaar ahaan xanuunada hadeer garaafkoodu kacay waxaa lagu daaweeyaa kuwa ay keento MSF.
Mar la weydiiyey maxaa keenay bixitaanka MSF wuxuu yiri Biixi Xaqiiqadii waxay ku baxeen lama dhihi karo sabab weyn mana garanayo anigu qof ahaan, waxaa jirey nin madaxa looga jirey oo bastoolad ku fiiqey mid ka mid ah shaqaalaha MSF, ninkiina Amniga ayaa qabtey waana la xirey, subaxdii danbe ayaana loo geeyay ayna isla qireen in madaxa looga jiro ciidamaduna gacanta ku hayaan.
Anigana ilama aha sabab weyn oo urur ku cararo, ururradu koonfur bay degan yihiin oo xabadi ka dhacayso weyna ogyihiiin inuusan wadanka ka jirin amni taam ah, Gaalkcayo iyo xamarna waa ka amni badan yihiin New York, anigu uma arko bastoolad la isku fiiqay maanta soomaaliya wax uu urur uga cararo. In uu dhib gaaro Urur anaga gacan na siiya ma jeclin sharaftooda iyo nabadgaliyadooda in wax loo dhimo, marnaba raali kama noqon karno, hadeerna waxa dhacay waa shil oo waa imanaya, shilkana waa dhacaa,
waa iney u dul qaataan, oo joogaan, waliba xasaasiyad siyaasadeed bay Gaalkacayo leedahay bixitaankooduna waa
badnaa oo xoogaa waxaa moodaa in la is weydiinayo war sidee nimanka wax ka yihiin oo haatan Wasaaradda Arrimaha Bulshada Qeybteeda caafimaadka baa arintaa gacan ku haysa.
Waxaa kaloo la weydiiyey inay jiran warar la isla dhex marayo sheegayana iska hor imaad adiga iyo hay'ada ahaa inuu kalifay arintaan? Wuxuuna ku jawaabay xiriir wanaagsan baanu leenahay hay'ada dayactir ay iyagu baxsheen lacagtiisa ayaa socday, barnaamijyo kale inay hir galiyaana waanu ku balansaneyn is qabadyada maamul ee dad meel ka wada shaqeeya waa iska dhacaan laakiin ma dhicin wax bixitaan keeni kara marna.
Isagoo ka jawaabaya su'aal ahayd wax wada hadal ah dowlad ahaan, isbitaal ahaan iyo hay'adba ma idiin socdaa ma jiraan? Wuxuuna ku jawaabay intaa ogsoonahay Garowe ayaa naloogu yeeray MSFna waa loo yeeray wareysi kadibna labadayada dhinacba, waxayn dowladu go'aansatay wasaaradeeda Caafimaadka (qeyb) inay arintaasi hoos u gasho dukumintiyaal ayaana MSF laga dalbay, wey soo dirtay wasaaraduna gacanta ayay ku haysaa, halkaa ayayna wax marayeen.
MAAMULKA ISBITAALKA GAROOWE OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYEY.
Agaasimaha Isbitaalka Garoowe ayaa waxaa loo magacaabay Dr. C/salaan Caydiid, Maamulaha Isbitaalkana waxaa loo magacaabay C/xamiid Yuusuf Aw-Ciise, waxaana la filayaa Masuuliyiintaan la magacaabay inay wax weyn ka badali doonaan nidaamka Isbitaalka.
DUQA GALDOGOB OO KA WARAMAY XAALADA DEGMADA
Waxaan dhawaan kulan kula yeelanay Magaalada Gaalkacayo Duqa Degmada Galdogob Eng Jaamac Xasan Faroole oo wakhtigaas Gaalkacyo u joogay howlo la xiriira siduu wax qabad iyo gacan uga heli lahaa Masuuliyiinta Gobolka.
Mar wax laga weydiiyay siday u socdaan howlaha Degmada iyo wax qabadka maamulka wuxuu sheegay Maamulka degmada iyo shacabkuba inay isku duuban yihiin lagana hir galiyey Degmada howlihii canshuuraha, waxa kaloo uu tibaaxay in adeegyada bulshada qaarkood si fiican wax looga qabtay sida xaalufinta dhirta, ugaarta Nadaafada, biyaha iyo waxyaalo kale oo la xiriira nolosha ijtimaaciga ah .
Duqa wuxuu aad uga waramay in Degmada geldogob ay ahayd meel aad u baaba'saneyd taas oo ay keentay iyadoo ku taal xudduuda soomaaliya iyo Ethiopia dagaaladii sokeeye iyo kuwii hore ee soomaaliya iyo Itoobiyana ay waxyeelo xoog leh u geysteen aysana ahayn mid isku filan sidaa owgeed Dowlad Goboleedka Puntland inay ka sugayso gacansiin iyo tixgelin duruufaheeda waafaqsan ay ka sugayeen aysan ilaa hada waxba ka soo gaarin, sidoo kale Hay'adaha caalamiga ah aysan iyaguna wax wax qabad ah u sameyn .
Eng. Jaamac waxa uu raaciyay
hadalkiisii in degmada galdogob aysan lahayn saldhig booliiis, Xabsi iyo maxkamad toona, kuwaasoo ah kuwii lagu ilaalinayay nabadgelyada sidoo kale ma leh ayuu yiri isbitaal weyn, waana u gudbinay masuuliyiinta dowlada ilaa iyo hadana wax jawaab ah kama helin w3aana arimaha ugu waaweyn ee aan Gobolka u joogno waxaana rabay inaan kala hadlo madaxweynaha
Faarax KK Gaalkacyo
MABAADIIDA ISBAHAYSIGA NABADEYNTA SOOMAALIYEED Isbahaysiga nabadeynta soomaaliyeed ( Somali peace Alliance) wuxuu u taagan yahay inuu ka shaqeeyo talaabo kasta oo hor seedaysa Gaarida dhisme dowlad soomaaliyeed oo loo dhanyahay, ujeeooyinka loo asaasay SPA waa .
umada si loo hubiyo in dalka ay ka dhacdo nabadgaliyo
waarta oo ay qeyb ka yihiin
cid kasta oo somaaliyeed oo aaminsan mabaadida
isbahaysiga.
Isbahysiga SPA waxaa ka go'an inuusan waxba kala harin sidii jid loogu xaari lahaa gaaritaanka dowlad soomaaliyeed oo loo dhanyahay kana shaqeysa dib u soo celinta nabada iyo daganaanshaha wadanka hooyo.
Isbahaysiga nabadeynta soomaaliyeed ee la asaasay intii u dhaxaysay 7--- 13kii Ogoss 1999 waxaa kuwada jira dowlada puntland, SPM, Golaha wada tashiga soomaaliyeed, ururka RRA iyo SNF ujeedada loo asaasayna waa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ku habsatay umada soomaaliyeed mudada 10ka sano ku dhow
JAALIYADA PUNTLAND EE KU NOOL AMERICA OO MADAXWEYNAHA PL SALAAN IYO BOGAADIN U SOO DIRAY
QEYBTII 2AAD EE WARAYSIGII WASIIRKA X.XOOLAHA B. IYO DEEGAANKA
Tirsigaana waxaan idiink soo gudbinaynaa qeybtii 2aad ee wareysigii aan la yeelanay wasiirka Xanaanada xoolaha beeraha jiyo deegaanka oo isagu dhowaan ka soo laabtay dalalka Mareykanka iyo Canada.
W.PL. Jaaliyada puntland ee Minnesoto maxay tabanayaan?
Dr . yaasiin waxay xiiso weyn u hayaan inay helaan warar ku saabsan maamulka taabo galay ee Dowlad Goboleedka Punland iyo wax qabadkeedka, waxayna ka cabanayaan in aanay wararka iyo warsidaha PL iyo kuwo kaleba in aanay helin wafuudina hada ka hor tagin.
W.PL Jaaliyadu wax fariin ah oo ay kaa dalbadeen majirtaa?
Dr. Yaasiin waxay i weydiisteen in aan Madaxweynaha Dowlad goboleedka PL Md. C/laahi Yuusuf Axmed, Isimada iyo goloyaasha ka gaarsiiyo salaan iyo bogaadin iyagoo ku faraxsan, kuna faanaaya nabada, horumarka iyo guulaha siyaasadeed ee PL iyo isbahaysiga nabadeynta soomaaliyeed.
W.PL. meelo kale oo kamid ah maraykanka booqasho ma ku tagtay?
Dr. Yaasiin waxaan kaloo booqdey Wilaayadaha New york, New jersi iyo magaalada Detroit oo aan kula kulmay jaaliyad tiro yar oo reer punland ah, kadibna waxaan u
gudba kanada, (Toronto) Jaaliyada Kanada waa jaaliyada ugu xoog badan jaaliyadaha reer puntland ee dunida waxaana Madaxdooda ka mid ah aqoonyahano waaweyn, waxayna jaaliyadaasi isku xirtaa dhamaan jaaliyadaha puntaland ee dibadaha jooga .
W.PL. jaaliyadaas xooga aad ku tilmaamtay maxay qabataa?
Dr.Yaasiin jaaliyaadaasi waxay kaalmeysaa dadka xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo Yemen ku jira waxayna gacan siisaa dadka jubada hoose laga qabsadey oo hantidoodii lagu dhacay, waxayna ku howlanyihiin sida ay gobolkaas dadkii lahaa ugu soo noqon lahaayeen.
Jaaliyadaasi waxay Toronto ka wadaa howlo la xiriira fidinta diinta islaamka iyo sidii loo dowri lahaa dhaqanka soomaaliyeed.
W.PL. Ma jiraan kanada dad mihnadlayaal ah (professionallist) ee u dhashay Punland?
Dr. Yaasiin dadka noocaas ahi kuma badna oo kama shaqeeyaan shaqooyin la xiriira takhakhusaadkooda waase buuxaan dhakhaatiir, Engeero beer yaqaano farmashiyiiste dhaqaalay-ahano laakiin fursad kanada kama helaan, waxaanuna ku boorinay inay dalkooda niyada ku hayaan, waxaana jira dad yar oo ka qalin jabiyey jaamacadaha kanada oo aad u fahmo badan, kuwaas qaar kamid ah waxaa laga yaabaa inay sidaa ku tagaan.
GO'AAN KU SAABSAN BAABI'INTA BEERAHA COWSKA IYO XIRMAYSIGA
Shir ay ku yeesheen magaalada garoowe gudiga Nabadgaliyada
Gobolka Nugaal iyo Gudaga Nabadaliyada Degmada garoowe, ayna ka soo qeyb galeen Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha Gudaha iyo Amniga Yuusuf Macalin Ibraahim iyo ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska puntland G/sare Axmed Mijir ayaa 31/5/00 waxaa lagu Go'aansadey in la baabi'iyo lana mamnooco in la ooto ama la xirmaysto daaqa iyo waliba in la baab'iyo kuwa hada jira.
Dhamaan sida uu wargeyska u sheegay Duqa Magaalada Garoowe Daahir Cali Ciise waxaa miyiga
kormeer ku tagi doona wafdi u kuurgali doona wax ka qabashada iyo fulinta Go'aamadaan.
DOWLADA HOOSE GAROOWE OO MAMNOOCDAY....
Dowlada hoose ee Garoowe ayaa qoraal ay dhowaan soo saartay waxay ku mamnuucday in la dhisto ama la calaamadeysto dhul aan fasax loo haysan, cidii sidaasi ku kacdana ay la kulmi doonto Ciqaabta ay mutaysatey.
Dowlada hoose waxay kaloo dadweynaha reer garoowe ku amartay dhulkoodii la siiyay wakhtigii dowladii hore in ay dib u sharciyaystaan si loo saxo khaladaadkii xaga dhulka ku saabsan. warkaan wuxuu intaa ku darey in la kansalay dukumintiyadaii hore lana jarayo sabarloog ay ku cadahay jahooyinka dhulka.
OGAYSIIS BAAFIN SHAQAALE
Xaawo Axmed Cilmi Iyo C/raxmaan Cismaan Maxamuud oo kamid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo isgaarsiinta waxaa laga doonayaa inay si degdeg ah ku yimaadaan xarunta wasaarada ee Garoowe
SINAANTA RAGA IYO DUMARKA MA LAGA DOODI KARAA!!!!
Arrintaan waxaan uga hadlaynaa qaab su'aalo iyo jawaabo ah iyadoo lagu salaynayo shareecada islaamka.
Su'aal:- Sinaanta raga iyo dumarka ma laga doodi karaa mise lagama doodi karo?
Jawaab:- Lagama doodi karo sababtoo ah Ilaahay baan simin, Qofkii isku dayana in uu ka dooda wuxuu noqonayaa qof Ilaahay ka horyimid, Ilaahayna daalimka wuu u kaadiyaa haduu qabtana ma siidaayo.
Su'aal:- Maxay shareecada Islaamka ka qabtaa Raga iyo Dumarka in aysan sinayn?
Jawaab:- Ilaahay baa noocadeeyey oo kalaamkiisa ku yiri Ragu waa kuwa u qumid badan Haweenka ilaa aakhirul aayah (Suuratul Al-Nisaa Ayaada 34), ayaadaan waxay ka hadlaysaa inaysan sinayn Raga iyo Dumarka dhinackasta haday noqoto xaga walaayada, xaga nikaaxa iwm, waxaa kaloo jira aayado quraan ah oo farabadan oo ka hadlaya in aysan Raga iyo Dumarku sinayn sida Dhaxalka, Magta iwm, marka in laga hadlo sinaanta Raga iyo Dumarka waa arin aan hada bilaaban Abaabulkeeda, waana feker ka yimid wadamada qarbiga ee Gaalada, waxayna ku dadaalayaan inayn barnaamijkaas uu ku fido meelkasta oo dowlad Islaami ka dhisantahay.
waxaa jira wadamo dastuurkoodu ku jiro in Haweenka 50% ay maamulka qaban karaan hadaynu
jaleecno wadankeena in muddo ah
ayuu socday fakarkaas oo ah sinaanta Raga iyo Dumarka, hadaynu soo qaadano Dawladii Soomaaliyeed aad baa laysugu dayey fekarkaas in uu ku fido laakin way u suuroobi wayday xukunkii markaas jiray. Kadib markii Dawladii Soomaaliyeed bur-burtay ayuu soo noolaaday fekarkaas markale oo waxaa aad u ololeynaaya Hay'ado badan oo Kirishtaan ah siminaaro badan qabtay iyadoo loo adeegsanayo dad soomaaliyeed oo isugu jira Rag iyo Dumar, siminaaradaas waxaa laga dhaadhacsiiyaa in haweenka xuquuqdoodii la duudsiiyo oo ay xaq u leeyihiin wax kasta oo ninku qabto, haweentuna in ay qabato. Arimahaas ilaa iyo hada wax ka fulay majiraan in kastoo ay heleen haween iyo Rag farabadan oo aaminsan fekarkaas, laakin waxaan la helin arintaas meel lagu fuliyo.
Hada waxaa jira Hay'ado badan oo wada siminaaro ku saabsan in la xaqiray xuquuqda haweenka, kuwa kalena waa laga joojiyey siminaaradaas ay wadeen oo buugaagtii ay soo daabaceen Maxkamad ayaa ka soo saartay in aan la fidin karin. Arimahaas waxay u suurtoobi waayeen inay socdaan oo ay miro dhalaan sababtaas waxa weeye shacabka Soomaaliyeed oo Muslim ah oo aan ogoleen arimahaas iyo wax la mid ah, Culumaa udiinka soomaaliyeed ayaa rimahaas aad uga hortagay, Gabdhaha soomaaliyeed ee cafiifiinta ah oo fahamsan arimahaas in ay Gaaladu ka dambeeyaan oo is hortaagay.
Arintaan waxaa ku baxa fidinteeda dhaqaale aad u farabadan oo hadii dalka la gelin lahaa horumarinlahaa,
taasna Ilaahay baa noocadeeyey Yuhuud iyo Nasaaro inay dantoodu tahay in diintooda la raaco, Nebi- Maxamed-doow NNKH raali kaa noqon mayaan Yuhuud iyo Nasaaro Ilaa aad diintooda raacdid Ilaa iyo aaqirul aayaha.
Su'aal:- Haweenta shaqadeedu maxay tahay oo shareecadu u jidaysay?
Jawaab:- Shaqadeedu waxay tahay in ay dhakhtarad noqoto, yey u noqonaysaa? Haweenka, inay macalin noqoto, yey u noqonaysaa? Haweenka. Waxaa kale oo ay shareecadu u banaysay inay gurigeeda ka shaqayso oo ay ku nagaato carruurtana xanaaneyso.
Su'aal:- Haweenk maqaban karaan Maamul noocuudoono ha ahaadee?
Jawaab:- Maya sharcigeena uma baneyn sababtoo ah Ilaahay baan ugu talagelin markuu abuuraayey, masla xadooduna Ilaahay baa og wuuna ka hadlay taasna waxaa daliil u ah qowlkii rasuulka SCW oo uu yiri malii baanaan ummad ay haween arimahooda tawaliso.
Marka yaan la raadin, waxaan Ilaahay oo laysku taxaluujin.
W.Q Madaxa qaybta Muwaacidiinta ee Wasaaradda Cadaalada & Arrimaha Diinta
Ismaaciil Xaaji Cabdi
NIN CADEEYEY INAY IRAN KA DAMBAYSAY QARAXII LOOKA BIIK.
Nin sheegtay inuu horay masuul uga ahaa Iran fulinta falalka argagixisada ayaa wuxuu cadeeyey in Iran ka dambeysay Qaraxii looka biig ee ay ku dhinteen 250 rakaab ah oo diyaradaas saarnaa. (CNN Chanal)
GUDDIGA JOOGTADA AH EE BAARLAMAANKA PUNTLAND OO U DIYAAR GAROOBAYA KALFADHIGII SADAXAAD EE BAARLAMAANKA.
Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Baarlaamka Puntland ayaa u diyaar garoobaya kalfadhigii sadaxaad ee Baarlaamka oo lagu wado in uu bilaaban doono 15/06/2000, waxayna horay u qorshaysteen inta aan lagaarin kalfadhiga inay mid mid ula kulmaan Wasaaradaha iyo Hay'adaha xukuumada si ay ugu kuurgalaan wax qabadka xukuumada iyo sida loo dhaqan geliyey shuruucdii Baarlaamku ansixxiyey.
Xoghayaha guud ee Baarlaamka Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa wargeyska u sheegay in ilaa hada guddiga joogtada la kulmay Wasaaradaha Arrimaha Bulshada, Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta, dhanka Hay'adahana Agaasinka Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha, Agaasinka dib-u-dejinta, Dhaqan celinta iyo Miino saarka, Taliska Ciidanka Booliska iyo Hanti dhowrka Guud. Wuxuu intaa ku daray Xoghayuhu in ay jiraan Wasaarado iyo Hay'ado la dhaafay waqtigii balantu ahayd inay la kulmaan guddiga joogtada ah, waxaana ka mid ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda kalluumaysiga iyo Dekadaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, dhanka hay'adahna waxaan soo xaadirin Agaasinka Bangiyada iyo Qorshaynta, Rugta Ganaacsiga, Agaasinka Guud ee Qandaraasyada iyo Ciidanka Daraawiishta.
Guddiga joogtada waxay horay u qorshaysteen inay kulamadaa ku soo gabagabeeyaan 6/6/2000 sida ku cad jadwalkooda shaqada, waxaana muuqata qorshahooda in uusan u fulin sida ay ugu talagaleen.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO JOOJIYEY LACAG GAROOMADA LAGAGA QAADI JIRAY SHAQAALAHA HAY'ADAHA CAALAMIGA AH.
Tirsigii 38aad ee warsidaha Puntland waxaa ku soo baxday in boqol doolar laga qaadayo qofkasta oo ka soo dega Garoomada Diyaaradaha Puntland kana mid ah shaqaalaha Ururada Caalamiga ah sida UN-ka, EU-da, Jaamacada Carabta, OAU-da, EGAD, Ururka Islaamka iyo kuwa kale ee lamid ka ah, arintu sidaas ma ahayn waxaana dhacay qalad farsamo oo xaga wargeyska ah, amarka Madaxweynuhu soo saaray 31/5/2000 wuxuu ahaa in la joojiyo lacagtaas oo horay loo qaadi jiray iyo waliba Canshuurta laga qaado shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeeya Ururadaas, inta laga helayo qaab lagu wada qanacsan yahay.
FALASTIIN IYO ISRAA'IIL OO WADA HADALO QARSOODIYA KU YEESHAY SWEDEN
Falastiin iyo Israa'iil ayaa wadahadalo qarsoodiya ku yeeshey Sweden, Madaxweynaha Falastiin Yassir Carafaad ayaa ku adkaystay in ay Israa'iil si buuxda uga baxdo Koonfurta Lubnaan, wuxuu kaloo cadeeyey in ay Qudus tahay ama noqon doonto Caasumada Dawlada Falastiin, Israa'iilna waxay ku eedaysay in ay masuul ka tahay Falastiin fashalka wadahadalada nabada. (Jasiira Chanal)
WASIIRADA ISKAASHIGA QALIIJKA OO UN-ka U JEEDIYEY IN CUNAQABATEENTA DHAQAALE LAGA QAADO IRAQ.
Wasiirada Iskaashiga dalalka Khaliijka ayaa 4/6/2000 u soo jeediyey Ururka qaramada midoobay bayaan ku saabsan in cuniqabateynta dhaqaalaha laga qaado dadweynaha reer Iraq, waxay kaloo Wasiiradu taageereen mowqifka Dawlada Suuriya ee la xiriira inay Israa'iil Ciidamadeeda kala baxdo Buuralayda Joolam. (Jasiira Chanal)
UN-KA OO BAAQ U SOO JEEDIYEY ITOOBIYA IYO ERATAREEYA.
UN-ka ayaa baaq u soo jeediyey Itoobiya iyo Eratareeya, baaqaas wuxuu sheegayaa in ay Eratareeya kala baxdo Ciidamadeeda dhulka Itoobiya ee ay horay u qabsatay iyo in ay Itoobiya ay joojiso weerarada.
Wararka waxay kaloo intaa ku darayaan in Ilaa 1500,000 oo qoxooti Eratareeyaan ah inay magan galeen Yaman, Sudan, iyo dalalka kale ee deriska la ah, waxaa kaloo la sheegayaa in labada dawladoodba dhaqaaluhu aad ugu xun yahay, faalooyin siyaasadeed ayaa iyaguna waxay saadaaliyeen in la filayo inay gaajo u dhintaan in ka badan inta dagaalka ku dhimata. CNN
DADAALKA PUNTLAND AY UGU JIRTO RAADINTA QARAN SOOMAALIYEED
Umadda soomaaliyeed waxay aqoonsantahay reer puntland inay ahaayeen horseedayaashii gobonimadoonka soomaaliyeed, halgankaas loo galay ka xoraynta isticmaarka, laguna guulaystay 1/7/1960, waxayna himalado gaarsiisnayd sidii loo heli lahaa midnimo soomaaliyeed iyo mid afrikanba hasayeeshee. Qaranimadii ku timid dadaalkaas naf iyo maalna lagu waayey waxaa ku dhacay marin habow sal ay u tahay, khibrad la'aan maamul dawladeed, aqoon yari, ku dhaqanka qabyaalada ku dhisan cadaalad daro, taasoo sababtay in qarankii soomaaliyeed burbur, dad aan waxba geesana la xasuuqo, hawlahoodana la dhaco.
Hogaan dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, guurtida, ururada bulshada oo ay ka midka yihiin haweenka iyo dhalinyarada iyo dadweynaha reer Puntland guud ahaan, waxay u arkaan inay lama huraan tahay in la raadsho wado lagu badbaadinayo baaqiga ka haray ummadda soomaaliyeed.
Ummadda soomaaliyeed waxaa ku dhacay burbur dhaqaale, dadnimo, masuul la'aan, waxaana adkaatay, sidii loo soo celin lahaa dawlad dhexe, reer puntland iyagoo la haysto beerahoodii, dhulkoodii, guryogoodii iyo hanti doodiiba waxay safka hore kaga jiraan raadinta qaran soomaali u dhasha.
Qaabka lagu gaarayo waxay u arkaan inuu noqdo qaab fedaraal ah, si loo xaqiijiyo qayb waliba amnigeeda iyo kala dabaynteeda.
Puntland waxaa hada ka jira maamul ka so o dhaxbaxay qaybaha kala duwan ee bulshada,
fulinaayana himilooyinka ku saabsan dhaqan celin, horumarin, dib -u-dhis, iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed, si loo helo dariikha ugu fiican ee lagu soo celin karo dawlad dhexe ee soomaaliyeed.
Maamulka Puntland wuxuu xaqiiijiyey kal soonida shacabka iyo aduun weynaha, waxaana axdiga Puntland farayaa ilaalinta midnimada soomaaliyeed iyo in loo hawlgalo dib-u-heshiisiin soomaaliyeed, waxay Puntland abuurtay Xafiis u gaara dibu heshiisiinta soomaaliyeed oo loo dejiyey barnaamij hawleed oo u adeegaya isla doonka, nabadeynta, iyo midaynta rayiga ummadda soomaaliyeed si loo helo afgarasho iyo wadajir dhalinkara sidii looga samatibixilahaa dhibaatooyinka qalafsan ee ummadda soomaaliyeed ku jirto. Loona dhisi lahaa dawlad dhexe oo fedaraal ah oo ka qaybgalkeeda loo dhan yahay haystana kalsoonida ummadda soomaaliyeed.
Puntland inta ay dhisnayd waxay xiriir la samaysay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada kala duwan iyo dibadaba, dawladaha,jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, Urur goboleedyada, iyadoo muujinaysa barnaamijkeeda hawl galka ee ku wajahan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed taasoo ay ku heshay bogaadin iyo kalsooni.
Puntland waxay ku guulaysatay inay isukeento dad ka socda 12 Gobol, kuwaasoo isku afgartay baadi goobida qaab dib u heshiisiin soomaaliyeed.
Dawlad Goboleedka Puntland waxay hormuud ka tahay inta daacada u ah in la helo dawlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay, layskuna raacsan yahay kuna timaado rabitaanka shacabka.
Waxayna ka soo horjeedaa mid nimada soomaaliya iyo dawlad loo dhiso in loo maro wado mugdiya iyo barnaamij aan qeexnayn, waxayna taageersan tahay aragtida oronaysa soomaaliya qayb waliba iyadu ha isisoo dhisto, kadibna halasugu yimaado dawlad dhexe oo fedaraal ah si looga digtoonaado inay dib dambe ay u dhacaan wixii soomaaliya ku dhacay.
Puntland waxay aaminsantay inaan dawlad soomaaliya loo dhiso lagu salayn karin qabiil lana soo gaaray waqtigii la dhisi lahaa dawlad soomaaliyeed oo ka bilaabantay heer tuulo , degmo, gobol, qayb ilaa dawlad dhexe oo loo wada dhan yahay, hadii aan sidaa la yeelin waa jug-jug meeshaada joog.
TACSI |